city_hall

Official websites use .boston.gov

A .boston.gov website belongs to an official government organization in the City of Boston.

lock

Secure .gov websites use HTTPS

A lock or https:// means you've safely connected to the .gov website. Share sensitive information only on official, secure websites.

Wixii ka soo Cusboonaaday Cudurka Karoonafayras (COVID-19)

Cudurka Karoonafayras 2019 ama COVID-19 (oo horey loogu yeeri jiray Karoonafayraska Cusub ee 2019 ama 2019-nCoV) waa fayras cusub oo waxyeellaynaya neefsiga.

Wixii soo kordhay

  • Bilowga 15ka Janaayo, 2022, si was looga qabto xaaladaha sii kordhaya ee Covid-19 laguna dhiiri geliyo tallaalka, shakhsiyaadka ayaa looga baahanyahay in ay muujiyaan cadaynta tallaalka ka hortaga Covid-19 si ay u galaan goobaha gudaha ah ee Boston. Dadka ka shaqaynaaya goobahaas ayaa sidoo kale iyagana looga baahanyay in ay qaataan tallalkooda.
  • Qorshaha shanta qodob ee Boston ee nooca Delta waxay ka hortagtaa xaga xudunta jawaabtayada COVID-19, ay ku jiraan amarka maaskaraha ee gudaha goobaha dad waynaha ee bilaabmaysa 8:00 subaxnimo Ogosto 27, 2021.
  • Fadlan qaado talaalka #COVID19, Boston! Dhallinyarada 12 jirka ah iyo ka weyn ee Mass. Hadda waxay xaq u leeyihiin inay qaataan talaalka Pfizer halka uu qof kasta oo18 sano jir ah ama ka weyn uu heli karo talaal kasta. Goobaha talaalka Boston: boston.gov/covid19-vaccine. Macluumaadka talaalka ee gobolka: mass.gov/covid-19-vaccine
  • Isniinta, 17ka Maajo, Duqa magaalada Kim Janey wuxay ku dhawaaqday in Magaalada Boston ay la socon doonta qorshaha dib u furitaanka gobolka. Dhammaan xayiraadaha haray ee COVID-19 waa la qaadi doonaa laga bilaabo 29ka Maajo. Iyadoo la raacayo hagida CDC, amarka weji daboolista gobolka sidoo kale waa la qaadi doonaa 29ka Maajo. Guddoomiyaha Baker wuxuu qaadi doonaa Xaaladda Degdegga ah 15ka Juun. boston.gov/reopening
  • Sanduuqa Caawinta Kirada ee Magaalada Boston ayaa ballaariyay kaalmada maaliyadeed ee ay heli karaan dadka deggan ee uu saameeyay cudurka faafa ee COVID-19. Tan waxaa ka mid ah taageerada bixinta kirada, biilasha korantada (oo ay ku jiraan internetka), iyo kharashaadka guuritaanka qaarkood ee magaalada gudaheeda loogu talagalay dadka deggan ee xaqo u leh. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan u-qalmitaanka, fadlan soo wac 617-635-4200 ama booqo halkan: boston.gov/rental-relief. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ilaha ka hortagga ka saarista waxaa laga heli karaa halkan: boston.gov/eviction-questions
  • Last updated:
  • Is diiwaangeli si aad u hesho farriimo qoran

    Soo qor BOSSoomali oo u dir 888-777 si aad u hesho maalin walba macluumaad ku saabsan fayraska karoona (COVID-19) ee magaaladeenna Boston.

  • Please note:

    This page has been translated from English to Somali. For information related to the coronavirus (COVID-19) in English, please visit our website.

  • IFAFAALOOYINKA/CALAAMADAHA

    Dadka qaba cudurka COVID-19 waxay sheegeen inuu yahay xanuun neefsi oo dhexdhexaad ilaa mid daran ah, oo ay la socdaan calaamadaha kala ah: qandho, qufac, neeftuurid iyo dhibaato dhanka neefsashada ah. Xaaladaha daran, waxay kugu keeni karaan boronkiito (wareento), oofwareen, xanuun daran oo neefsiga ku dhaca, kelyo xanuun iyo xitaa dhimasho. Calaamadaha xanuunka COVID-19 waxay la mid noqon karaan kuwa xanuunka hargabka/ifilada (flu).

    Calaamadaha cudurkani waxay soo muuqan karaan inta u dhaxaysa 2 ilaa 14 maalmood gudahooda. Dadku waxay inta badan qaadsiin karaan goorta ay isku arkaan calaamadaha (ifafaalooyin hargab u eg) oo ayna qufacayaan, hindhisayaan oo dhibco yaryar ka soo daadanayaan.

    Haddii ay kula tahay in cudurka lagu qaadsiiyay wac takhtarkaaga ha kor inta aadan tagin xarunta daryeelka caafimaadka.

    KU DHAQMIDDA MASAAFO KA FOGAANSHAHA BULSHADA

    Wakhtigan xaadirka ah, dhammaan dadka deggan Boston waxaa laga codsanayaa inay ku dhaqmaan masaafo ka fogaanshaha bulshada:

    • Dadka kale ka fogow in u jirta ilaa lix dhudhun.
    • Isaga fogow meelaha dad badan ay isugu yimaaddaan iyo kulammada.
    • Ku dhaqan nadaafad wanaagsan: sii wad in aad faraxalato, aad isticmaasho gacmo nadiifiye, qufaca iyo hindhisada aad isaga daboosho istaraasho ama isku laabka xusulkaaga, oo gurigana aad iska joogto haddii aad xanuunsantahay.

    Dadka qaar ayaa halis sare ugu jira khatarta fayraskan. Shaqsiyaadka halista sare ugu jira waxaa ka mid ah:

    • Dadka waayeelka ah;
    • Qof kasta oo qaba xaalado caafimaad darro, sida wadno ama sambab xanuun ama xanuunka macaanka/sonkorowga;
    • Qof kasta oo isdifaaca jirkiisu liito iyo;
    • Haweenka uurka leh.

    Fadlan isdhexgalkaaga ka xadid dadka halista sare u qaba ama ugu jira COVID-19. Haddii aad la nooshahay qof qatar sare ugu jira, ku dhaqan masaafo ka fogaanshaha bulshada. Annaga oo dhan waxaa mas’uuliyad ay naga saaran tahay in aan daryeelno nafsadaheenna iyo dadka kale, in nafsaddeena iyo kuwa kale ee aynu jecelnahay dhawrno.

    KA JAWAABCELINTA DOWLADDA DEGMADA BOSTON

    Tan iyo ilaa bisha Jannaayo, Cuddi-Hawleedka Caafimaadka Dad Weynaha ee Boston (Boston Public Health Commission) (BPHC) iyo Adeegga Caafimaadka Degdegga (EMC) waxay qaadeen tallaabooyin ballaaran oo la isugu diyaarinayo cudurka COVID-19.

    BPHC iyo Boston EMS waxaa loo tabbabaray inay la tacaalaan cudurrada la isqaadsiiyo. Wakhtiyadii hore, waxaan si guul leh aan isaga hor istaagnay wacyigelinta, isha ku haynta, iyo jawaabcelinta xanuunnada SARS, MERS, iyo H1N1 ee hargabka. Isla sidaas ayaannu isaga difaaci doonnaa xanuunka COVID-19.

    Waxaan ku kalsoonnahay in Degmada Boston ay diyaar u noqon doonto jawaab celin wax-ku-ool ah oo amaan ah marba marka ay xaaladdu soo kobocdo.

    JAWAABCELINTA DOWLADDA GOBOLKA IYO TAN DOWLADDA DHEXE

    Dowladda gobolka Massachusetts waxay cusboonaysiinaysaa xogta ku saabsan kiisaska COVID-19 iyo dadka la doonayo in karantiil lagu soo rogo ee gobolka Massachusetts. Booqo bogga interneetka MDPH ee COVID-19 karantiilkal iyo isha ku haynta Barwaaqosooranka.

    Xarunta Xakameynta Cudurrada waxay la soconayaankiisaska la xaqiijiyey ee Maraykanka oo dhan. Tirada kiisaska ugu dambeeyay, booqo bogga interneetka CDC COVID-19.

    • Last updated:
  • Is diiwaangeli si aad u hesho farriimo qoran

    Soo qor BOSSoomali oo u dir 888-777 si aad u hesho maalin walba macluumaad ku saabsan fayraska karoona (COVID-19) ee magaaladeenna Boston.

  • Please note:

    This page has been translated from English to Somali. For information related to the coronavirus (COVID-19) in English, please visit our website.

  • Back to top